April 29, 2015 | Posted by admin

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu ka furmo shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya u dhaxeeya.

Shalay waxaa Gaaray Magaalada Garoowe Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo maanta la filaayo in Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay tagaan Magaaladaasi si shirka uu u furmo.

Shirkaan ayaa ah mid wadatashi ah oo looga hadlaayo hanaanka Federaalka dalka Sooamaaliya, Hiigsiga 2016-ka iyo adkeynta xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaybtii koowaad ee shirkaan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaybtaan ay tahay wajigii labaad oo ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada lagu daadiyay ciidamo badan oo amniga sugaya.
– See more at: //risaala.net/articles/25970/Shirka-Madaxda-Dowladda-iyo-Hogaamiyeyaasha-Maamul-Goboleedyada-oo-Garoowe-ka-furmaya#sthash.3eTjOSIj.dpuf

COMMENTS