June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ee xarunta gobalka baay ayaa sheegaya in maanta la soo afjarayo shirkada madasha wadatashiga qaran ee ka soconaya magaaladaasi.

Saxafiyiinta ku sugan baydhabo ayaa soo sheegaya in maanta la sheegay in la soo xirayo shirka madasha oo noqonaya kii ugu dambeeyay ee looga hadlo maqaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxda shirkaas ka qayb gashay ayaa isku fahmay arima muhiim ah waxaana ka mid ah in beesha banaadir laga siiyo aqalka sare laba xubnood.

Waxaana sidoo kale la soo werinayaa in madaxda dowlada iyo kuwa maamul gobaleedyada ay arima badan ay isku fahmeen.

 

COMMENTS