DUHUR-Waxaa saakay lagu wadaa in Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga uu ka furmo wajigii labaad ee shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee International Contact Group kaasi oo looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Dowladda KMG Soomaaliya u matalaysa shirkaasi ayaa waxa ay ka mid ah guddoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariir Xasan Sheekh Sheekh Aadan, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/wali Max’ed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan golahiisa Wasiirada.
Ugu horeyn shirka oo shalay furmay waxaa ka qudbad ka jeediyay Wasiirka arrimaha dabadda ee Dowladda Talyaaniga kaasioo sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo xilliga Kumeel-gaarka ah.
Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo qeyb ka ah shirkaasi ayaa waxa uu sheegay in xilligaani Soomalaiya ay mareyso meeshii ugu dambeysay, loona baahan yahay in laga gudbo xilliga Kumeelka gaarka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/wali Max’ed Cali Gaas oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu ka warbixiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen, isagoo sheegay in bishii lasoo dhaafay ay gacanta Dowladda kusoo noqotay degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ah meelo aad muhiim ugu ah isu socodka gobolada dalka.
Gaas waxa uu sheegay in Dowladdiisu meel gabagabo ah ay marinayso qodobadii ku xusnaa Roadmap-ka, iyadoo Odayaasha dhaqanka ay ku guda jiraan sidii loo soo gudbin lahaa Ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka.
Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee International Contact Group ayaa qeyb ka ah Saxiixayaasha arrimaha Road-map-ka ee Maamullada Puntland, Galmudug, iyo Ahlu Sunna kuwaasi oo looga fadhiyo meel marinta ka gudbidda xaaladda Kumeel gaarka ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shirka uu furmay maalintii shalay, islamarkaana maanta lasoo gaba gabeyn doono.
Ugu dambeyn waxa la filayaa in markii uu soo idlaado shirkaasi ay shir wada qabtaan Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga iyo Ra’iisul wasaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo ka warbixin doono qodobada kasoo baxay.

All Posts
BBC 0400 GMT








