DUHUR-Shirka kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo, kaasi oo maalintii shalay ahayd ka furmay wadanka Talyaaniga.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo wakiilo ka socda maamulada Puntland Galmudug Ahlu Suna iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha Soomaaliya, waxaana uu furmay maalintii shalay ahayd waxaana loogu talagalay in uu socdo oo kaliya mudo labo maalmood ah.
Waxaa lagu wadaa in gaba gabada shirkaan ay si wada jir ah ay saxaafada ula hadlaan wasiirka arimaha dinbada ee wadanka Talyaaniga iyo waliba Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.
Shirkaan ayaa ah kii ugu danbeeyay ee kooxdaan ay u qabanayso dhinacyada siyaada Soomaaliya isla markaana looga hadlayo xaalada wadanka Soomaaliya inta ay jirto dowlada KMG ah.
Waxaa la qorshaynayaa in dhowaan wadanka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho isla markaana la soo doorto madaxweyne cusub kaasi oo soo dhisa dowlad aanan ku KMG ahayn.

All Posts
BBC 0400 GMT








