February 7, 2018 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta oo Khamiis ah waxaa la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo shirka Golaha Amniga Qaranka oo furmay 6-dii bishan, kaasi oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa Madaxda ka qeyb gashay waxa ay uga hadleen hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka, Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka oo shalay uu maalinkiisa labaad ahaa ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

COMMENTS