May 2, 2015 | Posted by admin

Puntland ayaa faah-faahin ka bixisay qodobada xamaasada ay ka taagan tahay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay isugu fahi la’yihiin shirka ka socda Magaalada Garoowe, ee maanta la filaayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland C/wali Xersi Indha Guran oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay in qodobada la isku fahmi la’yihiin ay kala yihiin heshiisyadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la gashay, maamulka Puntland oo Puntland ay ku eedeynayso fulin la’aantooda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabaha Puntland ay Dowladda ugu dhagan tahay waxaa ka mid ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cadeyso mowqifkeeda ku aadan Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe, waxaana Puntland ay sheegaysa in Dastuurka Soomaaliya ay ku cadahay in labo Gobol iyo wixii ka badan Maamul Goboleed loo dhisi karo iyo sidoo kale qaybsiga kheyraadka dalka.

C/wali Xersi Indha Guran, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa tilmaamay in Guddiyada Wasiirada ah ee ka kala socda afarta dhinac ay ku kala tageen shirka, maadaama ay isku afgaran waayeen qaabka uu noqon doono heshiiska.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa dhanka kale sheegay in kulamo ay u socdaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada, wuxuuna intaasi hadalkiisa ku daray hadii shirkaasi ay kasoo bixi waayeen natiijooyin la taaban karo shirka macnihiisa uu yahay mid fashilmay.

Puntland ayaa shirka ka socda Garoowe waxa ay ka dhigtay mid u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, maadaama Puntland madasha shirka ay la timid tabashooyin horay oo ay baal ku haysatay, xilli mowduuca shirka uu ahaa qaybta labaad wadatashiga Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.

COMMENTS