December 2, 2017 | Posted by admin

Waxaa lagu waddaa in maalinta Isniinta ah Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlayo xaaladda Amniga ee guud ahaan Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya kuwa maamul goboleedyadda iyo Madaxda ciidamada AMISOM, ee Soomaaliya.

Waxaa uu daba socdaa Shirkaasi , shirkii horay uga dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska Kaas oo looga hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in auu muhiim yahay Shirkaasi Laguna Lafa guri doono Arima Muhiim ah.

Yariisow ayaa sidoo kale xusay in dhammaan ay kasoo qeyb gali doonaan Shirkaasi  Hay’adda Ammaanka Soomaaliya.

Xubna ka Tirsan Maamul Gobaleedyada ayaa Maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ka mid ah Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxwaynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS