April 20, 2014 | Posted by admin

Shir-weeyne heer qaran ah oo looga hadlayo amniga wadanka ayna ka qeybgalayaan ergooyin ka kala yimid  gudaha dalka iyo dibadiisa  oo muddo sadex cisho ah socon-doona ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa maanta furi doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo ay soo qabanwqaabisay wasaaradda amniga Qaranka si talooyin wax ku ool ah salkana u dhiga amniga iyo xasilinta wadanka ay uga soo baxaan.

Sadex-dii maalmood ee ugu dambeysay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo qulqulayaya ergooyin ka qeybgalaya shirkaasi oo saaka ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyaashii ciidamada Soomaaliya soo maray waqtiyadii kala duwanaa ilaa dowadii kacaanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa oo isugu jira saraakiil ciidan oo dhan walba leh iyo xubno waaya arag ah ayaa muddo dhowr maalmood ah ka doodi doona heerka amni ee uu maanta dalkeenu ku suganyahy iyo qaabka wax looga bedelikaro.

Qaar ka mid ah ergooyinka ka qeyb-galaya shirkaasi ayaa sheegaya in kulamada noocan ah ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah marka laga hadlayo sugida amaanka maadama dalkeenu uu xilligan madaxa kala sii baxayo dagaalladii mudada kasocday..

COMMENTS