October 7, 2017 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay shir Caalami ah oo ku saabsan sidii la isaga kaa shan lahaa Waxa loogu yeeray Arga-gixisada waxaana ka qayb galay Madax ka tirsan dowlada soomaaliya iyo Xubnaha Maamul Gobaleedyada dalka.

Shirkan waxaa goobjoog ka ah masuuliyin kasocdo Xafiska madaxweynaha Reysalwasare kuxigenka Xukumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Xubno kamid ah Golaha wasiirada masuuliyin matalayo dowladgoboledyada wakiilo kasocdo dowladaha Norway Saudi Arabia Qatar UAE UK USA Sweden Jorden Denmark Turky iyo Masuliyin kasocdo Qaban qaabiyayasha shirka oo ah Xafiiska QM ee Siyaasadda Soomaaliya

Gabagabada Shirka waxaalagasoosaaridonaa Qodobo muhiim ah kuwasoo quseya Abaaraha iyo Amaanka

Shirka waxaa si rasmi ah ufuray Ra”isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Safiirka is dhiiwan ee Soomaaliya.

Wax yaabaha Looga hadlay shirkaas ayaa ahaa sidii la isga kaashan lahaa waxa loogu yeeray argagixisada iyo amniga Gobalka.

Dowlada soomaaliya ayaa saxiixsay Barnaamijkaan waxaana saxiixay Mahdi maxamed Guuleed qadar, waxa uuna ka Hor sheegay Xubnaha ka socday Beesha caalamka in Dowlada Soomaaliya ay u baahan tahay Garab istaag ku saabsan La dagaalanka alshabaab.

Kulanka Ka dib waxaa sxaaafada La hadlay Wasiirka Warfaafinta dalka Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, Waxa uuna sheegay in shirkaan uu ahaa shir caalami ah oo Dowlada soomaaliya ay Ku gud-bisay Danaheeda Ku saabsan Xaalada Alshabaab.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected],

[email protected]

COMMENTS