May 19, 2014 | Posted by admin

Holland:- Kulan lagu taageerayay Madaxweyne Xasan Sheikh logana soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah oo Magaalada Denhaag ka dhacay…

Magaalada Denhaag ee Xarun siyaasadeedka wadanka holland ayaa waxaa manta ka dhacay kulan balaar oo ay ka soo qayb galeen boqolal ka tirsan Jaaliyada Somaliyeed ee Wadanka Holland .

Kulan ayaa lagu taageerayay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaana sido kale loga soo horjeeday Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Inta uu socday kulankaanii waxaa ka hadlay Siyaasiyiin,Aqonyahano, iyo qaybaha kala duwaan ee jaaliyada Somaliyeed ee Wadanka Holland ayadoona goobta lagu soo bandhigay heeso xaada kicayay oo u badnaa wadani ah waxaayna guud ahaan dadkii kulankaasi ka hadlay ay cadeeyeen sida ay ugu kalson yihiin wax qabadkii Dowlada Fadaralka Somalia mudadi ay jirtay.

Sido kale xubnihii kulankaasi ka hadlay ayaa waxaay mujiyeen sida ay uga soo horjeedan mooshinka lagu wado in laga geeyo Madaxweyne Xasan Sheikh iyo waliba qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xubnahaan ayaa waxay tibaaxeen in la joogo waqtigii Dowlada Somalia la garab gali lahaa ee aan la joogin xiligii lugaha la qaban lahaa.

Ugu danbeyn Xubnihii kulankaasi ka hadlay waxaay ugu baqeen xildhibaanadii keenay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyanah in ay ka laabtan oo aysan waqti badan ku lumi isqab qabsi siyaasaded oo dib u dhiga Adeegi laga sugayay Dowlada Fadaralka Somalia.

Kulanka manta ka dhacay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland waxaa uu daba socday kulan sidaan oo kale ah oo Jaaliyada UK ay ku muujisay taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.


——————————
Sayid Cali Caseyr
Duhur Media
Den Haag – Netherlands

COMMENTS