December 5, 2012 | Posted by admin

Raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabduqaadir Faarax Shirdoon
Shir degdeg ah oo looga hadlayay madaafiic xalay lagu riday degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa madaxtooyada caasimadda ku yeeshay taliyeyaasha laammaha ammaanka.
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa shirka isugu yeeray hay’adaha ammaanka qaranka, waxaana looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa weerarka hoobiyeyaasha ah.
Raysul wasaaraha oo shirka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay in uu ka xun yahay dhibaatadii loo geystay dadka rayidka ah wuxuuna sheegay ay xukuumadda ka go’an tahay inay adkeyso ammaanka shacabka, oo aan loo dulqaadan doonin inay mar kale dhacdo dhibaatadii xalay oo kale.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shirka ka qeyb galay ayaa saxaafadda u sheegay in kuwa madaafiicda ridaya oo falalka dilka geysanaya in ay yihiin cadowga ummadda, wuxuuna soo jeediyay in ay dadku isbeddel la yimaadaan oo ay soo sheegaan kuwa dhibaatada geysanaya.
Gudoomiyaha degmada Boondheere Cabdullaahi Xersi Wardheere ayaa isna warfidiyeenka u sheegay in shan qof ay ku dhaawacantay hoobiyeyaashii xalay lagu riday degmada Boondheere.
Dowladdu waxay ku eedeysay Al-Shabaa inay ka dambeyso weerarka hoobiyeyaasha ah.

COMMENTS