January 12, 2013 | Posted by admin

Raysal wasaaraha dalka Britian David Cameron ayaa warbixin bokiisa Twitterka uu soo dhigay ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya isla afgarteen waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirka amuurihiisa uu yahay Soomaaliya ee lagu wado in london uu ka dhaco.

David Cameron ayaa tibaaxay shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee lagu qabanayo London dhici doono 7-May ee 2013.isagoona shirkaasi ku tilmaamay mid caalami ah oo looga hadli doono arimo badan oo xasaai ah Soomaaliya quseesa.

Waxuu tilmaamay Raysal wasaaraha Dalka Britian in shirkaani yahay mid dhisaya shirkii hore ee lagu guulesytey ee lagu qabtey London Feberaayo 2012

Waxaana intiisa badan shirkani oo ku saabsanaa doonaa sida uu warbixinta ku sheegay Mr Divid Cameron dib u dhiska wadanka iyo soo celinta nidaamkii iyo kala danbeyntii ka jirtay dalka Soomaaliya.

Dalka Britain ayaa sanadkan 2013 ah Guddoomiyaha dalalka dhanka wershadaha ku horumarey ee loo yaqaan G8, dhamaan dalalkaas ayaa ka soo qaybgalaya shirka iyo kuwo kale oo badan waxaana qorshaha u weyn yahay in Soomaaliya loo sameeyo sanduukh dib loogu dhiso,ciidamada AMISOM iyo ciidamada Nabad sugida dowlada Soomaaliya.

Shirka lagu wado in uu ka furmo London ayaa noqon doono mid ka duwanaan doono kii hore islamarkaana la filayo in Soomaaliya aaayaheeda danbe uu wax ka badalo.

COMMENTS