December 8, 2012 | Posted by admin

Waxaa magaalada London kusoo qul qulaya aqoonyahano, khubaro dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha  ah iyo madax ka socota ururada jaaliyada Soomaaliyeed eeku kala nool magaalooyinka dalka Ingiriiska kuwaas oo ka qeyb geli doona shir hal maalin soconaya oo Isniinta ka dhici doona Halka loo yaqaano West Minister ee bartamaha London, shirkaas oo cinwaankiisu yahay ‘OPEN FOR BUSSINESS’ sida ay sheegeen qaar ka mida qaban qaabiyeyaasha shirka oo war saxaafadeed soo saaray.

Shirkan oo ay soo abaabushay hey’ada United Nations Association ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee abid lagu qabto dalka Ingiriiska oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya waxaana uu qabsoomi doonaa Maalinta Isniinta ah ee inasoo aadan10-ka December saacada 10-ka subaxnimo ilaa iyo 5-ta galabnimo sida lagu sheegay war saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen guddoomiyaha white Star Youth Association Dr. Abdi Olad Rage iyo Ahmed Hersi oo isna ah Guddoomiyaha ururka World G18 Somali oo labaduba ka mida qaban qaabiyeyaasha kulankan.

“Tani waxaaay shacabka Soomaaliyeed u tahay fursad weyn, sababtoo ah shirkan halka maalin socon doona waxaa uu xambaarsan yahay muhiimad weyn marka loo eego xaga dhiiri gelinta horumarinta dhaqaalaha dalka—shirka waxaa uu isu keeni doonaa dhamaan dadka jecel in ay ka qeyb qaatan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waxaana kasoo qeyb geli doona dad Soomaaliyeed oo kasoo kala jeeda dhamaan gobalada dalku ka kooban yahay Raas Caseyr ilaa iyo Raas Kambooni waxaana rajeyneynaa in uu miro dhal u noqdo Soomaaliya”ayay war saxaafadeedkooda ku yiraahdeen masuuliyiintan ka midka ah qaban qaabiyeyaasha shirkan ee dhanka Soomaaliya.

War saxafadeedka waxaa lagu sheegay in shirkan lagusoo qaadi doono ajendayaal aad u muhiim ah oo wax tar u leh horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo hada kasoo kabsanaya saameyntii ay ku reebeen dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa iyo argagixisanimo in ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay.

Ajendayaasha shirka waxaa ka mida:

1-    Ganacsiga iyo dhaqaalaha

2-    Sharciga iyo kala dambeynta

3-    Caafimaadka

4-    Wax barashada

5-    Fursadaha dhalinyarada loo sameyn karo

6-    Beeraha iyo Kaluumeysiga

7-    Gaadiidka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha

War saxafadeedka waxaa lagu sheegay in Mr. Hugh Scott oo ah (Director of Africa Enterprise Challenge Fund) uu hogaamin doono dadka khudbadaha ka jeedin doona shirkan oo muhiimadiisa ugu weyni ay tahay in lagu dhiiri geliyo kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

COMMENTS