Muqdisho: Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa Muqdisho shalay mar uu lahadlay idaacada VOA ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaallada todobaadkii labaad galay ee u dhexeeya dowladda iyo xoogagga kasoo horjeeda.
Maxamed Dheere waxuu beeniyay in Shabaab ay la wareegeen guriga uu ka dagan yahay Muqdisho oo ku dhow Hotel Jubba oo ah goobta ay dagaallada ugu xooggan ka dhacaayeen maalmihii la soo dhaafay.
“Gurigeyga lama qabsan, waana been wararkaas,” ayuu yiri Maxamed Dheere oo ku daray intaas: “dagaalladu waa kuwo ku dhow, balse lama qabsan.” isagoo xusay inuu weli daggan yahay gurigiisa hadana uu shirka jara’id ku qabtay balse dagaaladu ay aad ugu dhow yahiin.
Xoogagga Shabaab iyo Xisbiga oo dagaal muddo laba todobaad galay kula jira dowladda KMG ah iyo ciidamada taakuleynaya ee AMISOM ayaa ku sii dhawaanaya goobihii ay dowladdu gacanta ku haysay, sida degmada Shingaani oo uu ku yaalo guriga siyaasiga caanka ah ee Maxamed Dheere.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay mas’uul ka tahay dadka ku dhimanaya dagaallada socda iyo fowdada wuxuuna xusay in dadka ku dhintay madaafiicda ay tuurto Xarrakatul Shabaab iyo madaafiicda jawaabta ah dadka ku dhinta ay dhamaantood shacab Soomaaliyeed yihiin.
Max’ed Dheere waxuu fartiin u diray isagoo u jawaabaya Afhayenka Shabaab Sheik Ali dheere hadal uu ka sii daayay idaacadaha Muqdisho “Hadii aad rabto inaad dowlad ku dhawaaqdo markaad gurigayga qabsato gurigayga maaha Madaxtooyada ee wa taa Madaxyooyada qabso”.
“Madaafiicda la isku weydaarsanayo Muqdisho waxaa ku dhimanaya rayid, waxaana mas’uul ka ah Al-shabaab oo go’aansatay inay dagaal billowdo, shacabkuna waa dhibban yahay, waxaana u rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu Alle dhibka uga qaado,” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Siyaasigan ayaa warar ay daraad shabakada Duhur ka heshay ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan inuu qayb ka yahay hoggaanka dagaallada ka socda Muqdisho, ka dib mar uu shir hoose la galay Madaxweyne Shariif, isaga iyo Saraakiil Kale waxaana la xaqijiyay inuu caawinayo ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo difaacaya meelo ku dhow Madaxtooyada.
Max’ed Dheere oo looga bartay inuu aamaanka dib u soo celiyo xiligii uu hayay xilalkii kale duwanaa ee soo maray, hadase waxaa la sugaa waxuu ku soo kordhin doono hadii Dowladan ay xil u Magacowdo.
Muqtar Katiitow
Duhur News

All Posts










