July 29, 2015 | Posted by admin

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirka looga hadlaayo arimaha ku saabsan Hiigsiga 2016-ka, shirkaasi oo ay ka qaybgalayaan xubno ka socda ilaa 40 Dowladood.

Shirkaan ayaa waxaa martigeliyay Dowladda Federalka Somalia, wuxuuna ka dhacayaa Garoonka Muqdisho, iyadoo ay shirkaan wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somalia.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Dowladda Somalia C/raxmaan Caynte, ayaa u sheegay Warbaahinta muhiimada shirkaan inay tahay ka hadalka hiigsiga 2016-ka.

Wuxuu sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Dowladda Federalka Somalia in shirkaan uu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaan daba socdaa Shirkii ka dhacay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Dowladda Federalka Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday in dalka aysan doorasho qof iyo cod aysan ka dhici Karin, waxa ayna Dowladda ku baaqday in la qabto shir wadatashi ah oo ku saabsan waxa ay Dowladda yeelayso.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyo nawaaxiga xarunta Shirkaan lagu qabanaayo

COMMENTS