June 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Shilkan gaari ayaa wuxuu ka dhacay duleedka dhanka Waqooyi ee Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka aynu halkaasi ka helnay ilaa sagaal qof ayaa ku dhaawacmay halka sidoo kale uu ku dhintay hal qof oo dhamaantood ahaa dad rakaab ah oo la socday gaariga rogmaday.

Gaariga rogmaday ayaa waxa la sheegay inuu ahaa MarkII kaasi oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe kuna sii jeeday Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaliland.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Garoowe halkaasi oo xaaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Dr.Maxamed Xersi oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgala isbitaalka Garoowe ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad islamarkaana ay la tacaalayaan.

Wuxuu sheegay in qaarkood ay koomo ku jiraan sidoo kalena lagu dadaalayo sidii xaaladooda caafimaad ay usoo hagaagi lahayd isaga oo sheegay in isbitaalka lasoo gaarsiiyay sagaal ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Shilkan gaari ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay gaariga oo si xoog ah u socday dabadeedna uu laamiga ka baxay.

Inta badan shilalka ka dhaca deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxa uu yahay mid ku yimaada gaadiidka oo Darawalada ay si xoog ah u kaxeeyaan iyagoona aan ka taxadarin qatarka ka imaan karta.

COMMENTS