DUHUR-Shiikh Xassan Daahir Aweys o kamid ah Saraakiisha sar sare ee Al shabaab islamarkaana ah Siyaasi u ololeeya dhinaca diinta ayaa wareysi uu siyay Warbaahinta Dhacdooyinka.Com in uu Tacsi qaran u dirayo Shacabka Soomaaliyeed Munaasabada 1-da Luul yo isago Tilmaamay in aanay jirin Xornimo loo hambalyeeyo.
Shiikh Xassan Daahir aweys oo u muuqday Siyaasi u hadlaya hab gobonimo doon balse aan u hadlaynin Al shabaab ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro Dulmi laga galay Umada Somaaliyeed walina uu socda dulmigaasi oo hada ay ku socoto xabad guumaaysi oo ay hogaaminayso Itobiya iyo Yugaandha ayu yiri.
‘’Hadalkaygu Maanta Munaasabada 1-da luulyo awgeed waa uu ka duwan yahay sidi hore ayuu hadalkisa Si raaciyay oo waxaan u arkaa ayu yiri in Soomaaliya aanay Helin Xoriyad ay u hambalyayso oo waxaa ta aka habon ayuu yiri in Shacbka uu Guumaystaha ula dagaalamo Kox koox, Kali kali , mana jirto ayuu yiri cid shacabka ka hor istaagayso in ay Xoriyadooda u halgamaan.
Shiikh Xassan Daahir ayaa ku eedayay Caalamka Islaamka iyo Dawladaha Carabta in ay dhabarka xijiyeen xaalada ba an ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed , waxaana uu host aka xariiqay in manta qadiyada Somaaliya ka jirta aanay u oolin Al shabaab balse ay u taalo Soomaalida oo dhan.
Waxaa kale oo uu So hadalqaaday Guusha Akhwaanul Musliminka Masar oo u sheegay in ay gaareen qadiyadii ay u halgami jireen balse waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Cusub ee Dalka Masar Maxamed Mursi in aanu khudbadiisa marna ku so darin arrimaha Soomaaliya.
‘’Aniga uma fadhiyo in aan ka hadlo wax Al shabaab khuseeya ee waxaan ahay Gobonimodoon doonaya in uu u hadlo sidii uu Shacabkiisa uga bixi lahaa Dhibaatada ka haysata Xornimadooda ayu yiri Shiikh xassan Daahir’’iyadoo hadalkaani u Muuqdo mid ka duwan hadala Xubno ka tirsan Al shabaab ay jeediyaan.
Shikh Xassan Daahir Aweys o sida uu sheegay Ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa si weyn u dhalilay Dawladaha Caalamka isagoo ku tilmaamay in qadiyadoodi ku wajahnayd Soomaaliya ay hos dhigeen Mareykanka , mana donayaan ayu yiri in ay qaadaan talaabo aanu raali ka ahayn Mareeykanka.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Xubanaha Sare ee Dawlada KMG ah ee Somaaliya oo uu u yaqaano koxo dabadhilif ah oo qadiayadi somaaliya ka iibiyay Guumaystayaal in ay xal u arkeen tagi taanka Adis ababa iyo adeecada waxa uu faro Hogaamiyaha Itobiya Mellas zanawi oo ah cadawga ugu weeyn Somaaliya.

All Posts
BBC 0400 GMT








