January 18, 2017 | Posted by admin

20170118_110201Shir jaraa”id uu Maanta ku qabtay Muqdisho madaxwaynihii Hore ee soomaaliya shiikh shariif shiikh axmed ayaa waxa ugu hadlay arima dhowr ah oo ku saabsan siyaasada dalka.

Shiikh shariif ayaa sheegay in madaxwayne xasan shiikh uu san qaban balan qaadyadii uu horay usameeyay islamarkaana uu ku fashilmay Balan qaad yadiisa.

 Waxa uu sheegay shiikh shariif in uu ku kalsoon yayay codka xildhibaanada soomaaliya islamarkaana uu noqon doono Madaxwaynaha Bedelaya dowlada Xasan shiikh.

Xasan shiikh lacago ayuu ku bixiyay xildhibaanada dalka in ay Doortaan sidaasi daraadeed ma dooranayaan xildhibaanada sida uu xusay Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya shiikh shariif shiikh Axmed.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS