August 13, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa waxaa saaka deegaanka Abal oo uu muddo ku noolaa ka soo galbiyay Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60aad, kaddib markii ay maalin ka hor ugu gurmadeen deegaankii uu ku sugnaa.

Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ayaa arrinsanaya sida laga yeelayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo saaka isku soo dhiibay, waxaana socda kulamo madaxda ay leeyihiin.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu u socdo kulan deg deg ah oo albaabada u xiran yahay.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada wadaadka oo gacanta dowladda Soomaaliya soo galay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in dowladdu diyaarad u dirto Xudur, si loo keeno magaalada Muqdisho.

Diyaarad qaas ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa loo diray shiikh muqtaar rooboow cali abuu-Mansuur.

Waxaana sidoo kale uu maanta shiikhaan kulan gaar ah la yeeshay shiikh muqtaar madax ka tirsan Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

COMMENTS