February 17, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Shiikh Fu,aad Maxamad Shongole oo kamid ah masuuliyiinta dhanka Dacwada ee ururka Alshabaab ayaa ka hadlay barakaca ay maalmahaan sameynayeen Dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan Alshabaab waxuuna sheegay in ay diin la,aan tahay waxyaabaha keenaya in loo cararo dhulka ay joogaan dadka kasoo horjeeda Alshabaab sida uu hadalka u dhigay

Halkaan Ka Dhageyso Codka Horjooge Fu’aad Shongole Uu Dadka Ku Gaaleysiinayo

Shiikh fu,aad Maxamad qalaf Aadan Shongale waxa uu sheegay in dhulka ay joogaan waxa uu ugu yeeray cadowga Alshabaab oo loo camira ay tahay mid diin ka bax ah islamrkaana loo baahan yahay dadkasi in lala dagaalamo.

Shiikh fu,aad Shongole waxa uu sidoo kale sheegay in uusan dhamaan weli dagaalka kasoconaya dalka Soomaliya islamarkaana uu soconaya waxa uu ku tilmaamay in ay ka adkaan donan ciidanka amisom iyo sidoo kale cidii kale ee wehliya ee Dowlada Taageeraya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata shiiq fu, aad shongole oo kamid masuliyiinta dhanka Dacwada ee ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay kujiran imtixaan kii ugu adkaa waxaana fu,aad shoongole uu isweeydiiyay waxyaabaha ay galabsan Alshabaab oo laga goynayo Taa oo uu kalajeeday dadka kabarakacaya Goobaha ay iyugu Maamulaan oo Dadka ay kabarakacayaan iyagoo kacabsi qaba in Dagaal iyo Duqaymo isbarbarsocda oo ay sooqaadaan Ciidamada Amisom iyo Dowlad.

Shiikh fu,aad shoongale waxa uu ugu danbayn sheegay in sida hada ay kusocdaan dadka ku sugan deegaanada ay maamulaan ururka alshabaab aysan ahayn mid sax loona baahan yahay in lala yimaadaan isbadal dhab ah.

Hadalka shiikh Fu,aad shongole ayaa umuuqda mid sitoos ah ugu socda dadkii dhawaan kasoo barakacay duleedka dhanka koonfureed ee magaalada muqdisho gaar ahaan deeganda ceelasha biyaha, siinka dheer iyo sidoo kale deeganada kale ee u dhaw dhaw halkaasi oo ay gacanta ku hayaan.

Sadaxdii Maalin aynu soo dhaafnay waxaa si aad ah looga soo barakacayay deegaanada duleedka ah ee ceelasha biyaha halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab waxaana sida uu iminkaba ka dhawaajiyay shiikh Fu,aad shongole oo kamid ah masuliyiinta dhanka dacwdad ee ururka alshabaab uu sheegay in dadka u barakacaya dhanka cadwga sida uu hadalka udhigay fu,aad shongloe in ay tahay taasi mid diin kabax ah.

COMMENTS
  1. ahmed ugaas said:

    sheikh maha shaydaan kufaar ah isaga ah wadankeenee iyo dadkeeni waaxaa gumaadey shabaal cadaabtii ilaahey ayaan ugu ducayney kan iyo cali dheereba