July 17, 2017 | Posted by admin

Sheekh
Cabduqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha
kooxda Daacish ee Somalia, ayaa isku sharxay
inuu baddalo hogaamiyaha kooxda isku
magacowday Khilaafada Islaamka Abu- Bakar Al-
Bagdaadi oo la rumaysan yahay inuu duqeyn ku
geeriyooday.
Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa magaalada
London ayaa qoray in khubarada Britain ay ka
digeen in hogaamiyahan Soomaaliga ah uu
geerida Abu Bakar Al-Baghdadi u adeegsanayo
inuu hogganaka kooxda la wareego.
Ayada oo ISIS looga adkaaday Iraq,
islamarkaana maalmaheedii Syria ay gebo-gebo
yihiin, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Muumin
uu Somalia ka dhigo xarunta cusub ee kooxdan,
kuna casuumo jihaadiyiinta caalaamiga ah.
Shekeh Cabdulqaadir Muumin
Professor Candyce Kelshall oo ku taqasusay
arrimaha argagixisada ayaa yiri “Maalmihii
dhowaa Sheekh Cabdulqaadir Muumin wuxuu
waday dadaallo dhinaca warbaahinta ah, oo uu
dhigayey baraha kooxda Daacish, isaga oo
riixaya fariinta ah in Somalia ay noqoto xarunta
cusub ee khilaafada”

COMMENTS