April 16, 2014 | Posted by admin


Sheekh Xasan Xuseen Aadan oo lagu naaneyso Abu Salama iyo marwadiisa, ayaa Khamiista waxaa la soo taaggi doonaa Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Wixii ka dambeeyay 1-dii bishaan, ayaa waxay Sheekh Xasan Xuseen iyo afadiisa, ay u xirnaayeen Dowladda Kenya, ka gadaal markii ay ku eedeysay in gurigooda laga helay walxaha qarxa.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta Guud ee Kenya, ayaa waxay Wadaadka ku eedeysay in uu cilaaqaad dhow la lee yahay Ururka Al Shabaab, oo ay Kenya u aqoonsan tahay Urur argagaxiso.

3-dii bishaan mar Maxkamada lahor keeno Sheekh Xasan Xuseen iyo afadiisa, ayaa wuxuu Garyaqaankii Maxkamada amray in xabsiga lagu sii haayo ilaa 17-ka oo berito ku beegan, markii ay sidaasi codsatay Xeer Ilaalinta Guud ee Kenya.

Sheekh Xasan Xuseen waa uu beeniyay eedeymaha ay u soo jeedisay Dowladda Kenya, iyadoo uu ugu yeeray kiis been abuur ah, oo ay soo mala awaashay Kenya.

Abukaataha difaacaaya Sheekh Xasan Xuseen iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Chacha Mwita, ayaa wuxuu rajo ka muujinayaa in dib xoriyadooda loo siin doono lamaanahaan, haddii berito ay Xeer Ilaalinta Guud soo bandhigi weydo, cadeymo muujinaaya in hoygooda laga helay walxaha qarxa.

COMMENTS