October 14, 2012 | Posted by admin

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaa markaan waxaa la xaqiijiyay in 100% uu diyaar u yahay wada hadal inuu la galo dowladda cusub ee Soomaaliya, taas oo madaxweyne uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la sheegayaa in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu isaga ka dambeeyay hadalkii kasoo yeeray qaar ka mid ah saraakiishii Ururkii Xisbul Islaam sida Afhayeenkii ururkaasi Maxamed Macalin.

Waxaa la tilmaamay in markaan uu go’aan ku gaaray inuu isaga baxo Xarakada Al-shabaab kana mid noqdo dowladda cusub ee Soomaaliya isaga oo meelo badan usoo maraaya, sidaas waxaa inoo xaqiijiyay ilo wareedyo aynu ku kalsoonnahay.

Mr. Aweys ayaa waxaa la sheegayaa sidoo kale in wada hadalo hoose uu kula jiro dowladda Soomaaliya, halka saraakiishii kale ee sheegay in Al-shabaab ay dib uga soo laabteen islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Sheekh Xasan Daahir Aweys lagu wadaa in wixii ka dambeeya markii lasoo dhiso golaha wasiirada dowladda cusub ee Soomaaliya ay si toos ah u bilaawdaan wada hadalada uu dowladda la galaayo.

COMMENTS