July 12, 2014 | Posted by admin


DUHUR- Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Xidig) oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ugu caansan dalkeenna ayaa dalbaday in laga caawiyo dhameystirka dhismaha Masjidka Macaarif oo uu ka dhisayo degmada Wardhiigley magaalada Muqdisho.

Sheekh ayaa sheegay in muddo 7 sano ah ay ku qaadatay dhismaha dabaqa koobaad ee Masjidka oo hadda lagu tukado islamarkaana ay ka socoto waxbarasho, isagoo intaa ku daray in Masjidka uu weli qabyo yahay loona baahanyahay in la dhameystiro.

Sidoo kale Sheekha ayaa dalbaday in laga caawiyo dhameystirka Masjidka oo u baahan in lagu daro qeybo kala duwan oo kala ah, qeybta haweenka, Parkinka baabuurka, Madaaris waxbarasho iyo Laba dabaq oo kale.

Sheekh Cismaan Xiddig ayaa ka hadlay faa’iidada ay aduun iyo aakharaba u leedahay sadaqada, wuxuuna ku boorriyay dadka Muslimiinta ah iney gacan ka geystaan dhameystirka Masjidka Macaarif.

Sheekh Maxamed Daa’uud Maxemed Afrax ayaa isuguna kula taliyay ummadda Soomaaliyeed iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan dhismaha Masjidka isagoo ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay Sadaqada.

Kala soo xiriir Telefoonnada kala ah: 00252615981021 ama 00252618661323 ama 0699966555 wixii tabarucaad ahna ku soo shub Acount Lr. 55780 Salam Bank.

COMMENTS