April 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho – ururka Al – Shabaab ayaa sheegtay inay dili doonaan ciddii ansixisa dastuurka qabyo qoraalka, iyagoo arrintaasi baaq ahaan ugu diray dadka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dastuurka cusub oo yahay mid la dhoo dhoobay islamarkaana aan ka shaqeyn doonin dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan ansixinta dastuurkaasi cusub.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku dooday in Dastuurkaasi ay ku jiraan qodobo ka horimaanaya Diinta Islaamka,waxaanu intaasi ku ray in qofkii dastuurkaasi ansixiya yahay kufaar diintana uu ka baxay.

Hadalkan Afhayeen Al-shabaab ka soo yeeray ayaa yimid xilli  qaban qaabo loogu jiro sidii dhowaan loo ansixin lahaa dastuurka qabyo qoraalka oo la doonayo in gebi ahaanba Soomaaliya lagu dhaqo.

Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso ayaa waxaa dhibsaday qaybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo dhaqan dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS