December 20, 2014 | Posted by admin

download-1
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysey go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo ay liiska cunaqabateynta 1844 ay uga saareen hoggaamiyahii hore ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Saciid “ATOM” oo horey u shaaciyey inuu nabada qaatay.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuhulow, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. “

DFS waxey fahamsantahay in Soomaali badan ay Al-Shabaab u raaceen dhaqaale iyo sababo kale. Haddase waxaa cad in DFS ay dadkaas u heyso fursad oo ay caalamka ugu ololeyn karto xoriyadooda. Shaqsi walba oo doonaya inuu qoriga iska dhigo oo nabad qaato waa la soo dhoweynayaa, tanoo ah ballan qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa horey cafis ugu fidiyey shaqsiyaadka doonaya inay nabadda qaataan. Sheekh Atom waxuu qaatay nabad, haddana waan u jeednaa faa’iidada nabadda oo maanta waa nin xor ah. Atom waxuu ballanqaaday inuu sii xoojinayo nabada oo uu doonayo inuu tusaale fiican u noqdo shaqsiyaadka weli xubnaha ka ah kooxda Al-Shabaab ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan oo nabadda ay qaataan. Atom ayaa horey u yiri ‘Waddada aan doortay waa midda Nabadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka Atom oo uu ku doonayo inuu ku caawino Soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed. DFS waxey u mahadcelineysaa QM iyo waddamada caalamka ee gacanta ka geystey arrinkan, oo oggolaaday codsigii dowladda ee ahaa in muwaadinkeeda laga saaro liiska cunaqabateynta.

DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka. Cid ku guuleysan karta ama ujeedooyinkooda ku gaari karta dagaal ma jirto, oo dagaalku waxuu dhaliyaaa dagaal, oo dagaal xal uma noqon karo caqabadaha na heysta. Waxaan rabnaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa dalkooda wax u tara oo anfaca, waxaana dooneynaa inaan dhalinyarada u abuurno fursado shaqo, waxbarasho, xirfado ay ku shaqeystaan, iyo inaan awood u siino sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo inay aayahooda ka tashadaan.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey: “Dowladdu waxey sii wadeysaa inay taageerto shaqsiyaadka nabadda qaata oo dagaalada iska daaya. Waa dhici kartaa in shaqsiga ay ku adkaato, hase yeeshee cidii qiratay danbigooda waxey helayaan fursad lagula hadlo oo nabadeyntu ay ku hirgasho. Haddii kale waddada aan nabada aheyn waa midda dalka ku sii siyaadineysa rabshadaha. Soomaaliya waxaa iska leh Soomaalida doorbida nabadda iyo ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka. Dowladdu aad bey kuu soo dhoweyneysaa. Diinta Islaamku waa diin nabadeed oo dhammaanteen waxaa nalaga doonayaa inaan kor u qaadno oo weyneyno diinteena nabadda ah.”
___

COMMENTS