December 24, 2014 | Posted by admin

72D4E3CF-89B5-4B2E-A8FD-1C4F40C72FF1_w268_r1_cx0_cy7_cw0
Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa looga yeeray inuu berrito oo Arbaco ah hortago baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado. Sharmaarke ayaa madaxweynuhu uu magacaabay 17-kii bishan.

Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo VOA la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul-wasaaraha uu heli doono codka kalsoonida oo la ansixin doono, balse ay dhici karto in marka uu xukuumad soo dhiso uu baarlamaanka kala kulmo culeys badan.

Weriyaha VOA Muqdisho Seynab Abuukar ayaa warbixinta hoose soo dirtay.

COMMENTS