April 22, 2012 | Posted by admin

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ka bilaabanayo shirarka lagu soo xulayo Baarlamaanka cusub, isagoo ka dhawaajiyay in Caalamka ku han-weyn yahay sidii loo dhameystiri lahaa Road Map-ka.

Shariif Xasan oo wariyeyaasha kula hadlayay Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii looga shaqeyn lahaa sida looga bixi karo Xilliga KMG.

“Caalamka oo dhan wuxuu ku hanweyn yahay sidii loo dhameystiri lahaa Road Map-ka, waxaana dhowaan bilaabanaya shirarka lagu soo xulayo Baarlamaanka cusub”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariifka ayaa sidoo kale sheegay in shirweynihii lagu ansixin lahaa Dastuurka qabyo qoraalka isna magaalada Muqdisho ka furmi doono, kaasoo ay ka qeyb galayaan 825-xubnood.

Madaxda Dowladda ayaa waqtigooda sii dhamaanaya, iyadoo xilliga KMG uu ku eg yahay bisha Agosto ee soo socota, waxaana ay wadaan galaan gal badan oo siyaasadeed, kaasoo ay ku doonayaan sidii ay mar kale isaga dhex arki lahaayeen Dowladda cusub ee la soo dhisayo.

Qeybaha bulshada, Siyaasiyiinta, Haweenka, Culumaa’udiinka iyo Odayaasha ayaa ka biya diidan qabyo qoraalka iyo barnaamijka Road Map-ka sida loo wado, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ee ka soo horjeeda qorshaha Road Map-ka ay doonayaan inay dhowaan doortaan Madaxweyne.

COMMENTS