December 3, 2014 | Posted by admin

Shariif-S1
Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay lagu caleemo saaro madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Diyaar gaowga caleemo saarka ayaa si weyn uga socota magaalada Baydhabo, iyadoo Shariif Xasan xilkaas loo doortay 17-kii bishii hore November 2014.

Gudoomiyaha gobolka Baay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in caleemo saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ka koobaan doonto ilaa 4 xafaladood, ayna xafladda dadka sare ka qeybgeli doonaa ilaa 250 ruux.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xafladdacaleemo saarka uu ka qeygeli doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo 11 safiir oo ka socda dalalka caalamka oo ku sugan Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la filayaa iney xafladda caleemo saarka Shariif Xasan ay ka qeybgalaan wakiilo ka socda maamul goboleedyada dalka sida Puntland iyo Juba.

Shariif Xasan oo horay uga mid ahaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay kursigiisii xildhibaanimo loo dhaariyey wiilkiisa oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Xasan.

COMMENTS