May 2, 2015 | Posted by admin

DSC00324
Munaasabad ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay Waxqabadka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaataan horumar dalka.

Munaasabaddan ayaa aheyd mid lagu xusayey maalinta Shaqaaalaha Aduunka oo ku beegan maanta oo ah 1 May.

Gudoomiyaha isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa dowladda iyo Hey’adaha gaar ah ugu baaqay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan in Shaqaha Soomaaliyeed la horumariyo.

“Dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed iyo loo shaqeeyaha waxaa rabaa in dadka ganacsatada ah in aan halkaan baaq ugu jeediyo in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha dalka uu leeyahay” ayuu yiri Xaaji.

Gudoomiyaahaa gudiga adeeg bulshada golaha Barlamaanka Xildhibaan Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed isla markaasna qiray in shaqaaluha ay yihiin lafdhbarka Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada C/weli Sheekh Muudey oo ka hadlay munaasabada 1-da May ayaa nasibdo ku tilmaamay in shaqaale ajnabi ah oo gaaraya shan kun ay dalka ka howlgalaan iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ay intooda badan ay shaqo la’yihiin.

“Hadda inta la sameeyay waxaa ay gaarayaan 5750 oo shaqaale ajanabi ah ayaa la diiwaangeliyay, shaqooyinkaasna waa u baahan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Muudey.

Sanad walba maanta oo kale ayaa laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee shaqaalaha Aduunka ee 1-da Maay.

COMMENTS