May 21, 2015 | Posted by admin

Qoraal ka soo baxay xafiiska shaqo qorista madaniga ee cariga Dawlada Sacuudiga ayaa bogiisa shaqo bixinta ku faafiyey in dawlada boqortooyada sacuudiga ay dooneyso shaqaale aqoon u leh sida seefta Qasaaska dadka qoorta looga jaro.

Ogeysiiska ayaa intaa ku daray in ruuxaas shaqo-doonka ah aan laga dooneyn wax aqoon amase xirfad ah balse kaliya ay tahay inusan ka waabaneyn inu wax jaro wax ku dilo seefta una leeyahay fir-fircoonaan, amase gaagax gadood-jaceyl wax inu dilo u diiqeysan .. waa inu leeyahay himad kelyo-adeyg uusan u jan-jixin xiliga u qoorta jaraayo iyo caro darteed waa inu noqdaa mid aysan dibnuhu soortu u furmin illa u wax dilo .. waa iney isugu mid yihiin fin-dhicilashadiisa iyo marka u qofka qoorta gooynaayo .. waa inu sidi xayawaanka u halabsadaa, waxaa kalo isla shaqadaas waajib looga dhigi-doona wax karbaashida iyo inu gacan goynta iyo lugaha ay jari-karaan.

Dawladu qoraalkeeda kuma xusin gunada iyo mushaarka u ku qaadanaayo qorgoyinta, laakiin sida la ogyahay qofkii shaqadaas qabta makhsin raashin ah wax kasta yaalin baa loo furaa guno fiicana u dheertahay, waana la hubaa inu calooshi xirneyd xulus ku yeelan-doono oo dabadeed dibiro awgeed suunku ku kala go’o.

Dhinaca kale dawlada boqortooyada Sacuudiga ayaa hay’adaha xuquuq insaanka ay ku eedeynayaan iney si xad gudub ah uga takhalusaan dadyooga dambiyada gala oo ay si naxariis daro ah dadka qorta uga jaraan, waxaana hay’adahaas cadeeyeen in dawlada Sacuudiga ay xaga xad-gudubka bani’aadamka kaga jirto kaalinta sadexaad ee aduunka marka laga reebo Chiina, Ciraaq, iiraan iyo mareykanka oo iyagu jirdil iyo karaama dhac maxaabista ku sameeya .

COMMENTS