April 16, 2017 | Posted by admin

Qarax miino oo dhulka
la geliyay ayaa lala eegtay gaari ay la
socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey sida naloo xaqeejiyay
kuwaas oo marayay duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa miino
lala eegtay ay la socdeen shaqaale ka tirsan
hey’adda WFP, waxaana la sheegayaa in gaariga
uu ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa miino
uu ka dhacay agagaarka deegaanka Km13,Ama Tareedisho
waxaa la sheegay in gaariga aanay waxyeelo soo
gaarin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku
dhaawacmeen labo carruur barakacayaal ah oo
ku sugnaa agagaarka Goobta uu qaraxu ka dhacay.

Shaqaalahaan la garxiyay ayaa la tilmaayaa in ay wadeen Howlo Gurmad ah oo Dadka Tabaalaysan wax loogu qabanayo.
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS