May 19, 2017 | Posted by admin

Qaramada Midoobey ayaa uga digtay shaqaalaheeda in aanay isticmaalin ama ka cunteyn maqaayada The Village ee ku taala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fariin loo kala diray shaqaalaha ayaa looga digay illaa amar dambe in aysan maqaayadaas ka cunteyn karin, isla markaana aysan tagi karin xilliyada nasashada iyo fasaxa shaqada ku jiraan.

Xog uruurin dhinaca amniga oo ay sameyeen Guddi Amni ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo SMT ayaa lagu sheegay inay jiraan dul duleelo dhinaca ammaanka.

Guddigan ayaa qiil uga dhigay in Maqaayadda The Village ay labo jeer oo hore waxyeelo kala duwan ka soo gaartay qaraxyo ka dhacay dhanka Madina Gate, taasna loogu sababeynayo xaalad amni.

Inkastoo qaraxyadii ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha ay ahaayeen kuwo ay xataa saameeyeen dhismaha Air Porka iyo goobo kala duwan oo gudaha Xalane ku yaalla, ayaa hadana la ogeyn sababta ka dambeysa in digniintan ay u gaar ahaato Maqaayadan oo ah tan kaliya ee Soomaali leedahay ee ka shaqeysa gudaha Air Porka.

Maqaayadda The Village oo ah maqaayada kaliya ee Soomaali leedahay, ayaa ku taala dhanka Xalane loo aado, gaar ahaan goobta ay shaqaalaha UN-ka ka dhoofaan.

Arrinta layaabka ah ayaa ah in maqaayada Village oo u dhow halka ay ka dhoofaan shaqaalaha UN-ka in la yiraahdo in aan sababo amni darteed loo tagi karin.

Dad badan ayaa arrintan durbaba u fasirtay inay tahay dagaal ganacsi oo lagula jiro maqaayadaas oo ah maqaayada kaliya ee Soomaali ku taal Xalane, iyadoo xerada Xalane ku yaalaan goobo ganacsi sida hotelo iyo maqaayado ay leeyihiin rag ajnabi ah oo qaarkood fasax looga heysan dowladda Soomaaliya.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS