November 9, 2017 | Posted by admin

Warar Lagu Kalsoon yahay oo laga Helay  Garoonka Diyaaraha Muqdisho ayaa sheegaya in La joojiyay Shaqooyinka Dhimaha Ee ka soconayag garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa Fasax Kooban La Geliyay Shaqaalaha Ka shaqaynayay Dhisme Ka soconayay Garoonka  Diyaaraha Muqdisho.

Muddo 4 Maalin ah ayaa Fasax la siiyay Shaqaalaha Dhismayaasha ee Ka shaqaynayay Garoonka Diyaaraha Aadan Cade ee Muqdisho” sababa La xariir Amniga Garoonka oo laga Cabsi qabo.

Shaqaalaha ayaa sheegay in Mudda afar Maalin ah Lagu Wargeliyay in aysan Imaanin Garoonka Diyaaraha.

“Arimahaan la Xariira Amniga waa Mid Horay u muuqtay, Waxaana Dhawaan Dowlada Maraykanka ay ku dhawaaqday in Muwaadiniinteeda ku sugan soomaaliya ay uga digeen in  ay dalka isaga baxaan.

COMMENTS