November 6, 2012 | Posted by admin

Dadweynaha ku nool dalka Mareykanka ayaa maanta oo Talaado ah u dareeraya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo doorashada madaxweynaha ay u tartamayaan Madaxweyne Barack Obama oo doonaya in mar labaad la soo doorto iyo musharaxa Mitt Romney.

Labada Musharax Obama iyo Romney ayaa soo gaba gabeeyay mid ka mid ah ololahooda doorasho kii ugu adkaa ee abid soo mara Mareykannka, waxaana labadan musharax ay maalmihii u dambeeyay ay safaro dhinaca ololahooda ka tirsan ku marayeen Gobolada muhiimka ah ee si weyn la isugu heysto.

Gobolada muhiimka ah ee lagu loolami doono ayaa waxaa ka mid ah Ohio, Virgnia, Iowa, Wisconsin, New Hamshire iyo Florida, waxaana lagu tiriyaa gobolada kala saara musharaxiinta madaxtinimada Mareykanka.

Ra’yi ururinno badan oo la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujinaya in labadan musharrax ay si weyn isugu dhow yihiin, inkastoo dhowr dhibcood uu ku horreeyo Madaxweyne Obama gobollada qaarkood.

Madaxweynaha Obama ayaa ku doodaya inuu istaahilo in mar kale dib loo doorto, isagoo sheegay inuu doonayo inuu dhameystiro howshii uu bilaabay, gaar ahaan sidii uu u badbaadiyay dhaqaalaha dalka Mareykanka oo hoos u sii dhacayay markii uu xilka qabtay.

Mitt Romney ayaa isagu ku doodaya in la gaaray wakhtigi la baddali lahaa Obama oo isbedel imaan lahaa kadib markii uu Obama ballamihii uu galay ka soo bixi waayay.

Ololahan doorashada waxaa ku baxay lacag gaaraysa 6 Billlion oo Dollar, waxaana muuqata in dadka Maraykanku ay ku kala qeybsan yihiin doorashadan.

Dadka cad ee gobollada qaarkood ayaa la filayaa inay u coddeeyaan Romney halka dadka kale ee asalkoodu yahay Latino, Madowga Maraykanka iyo qowmiyaddaha kale la filayo inay codkooda siiyaan Obama.

270 cod ayaa la doonayaa in musharax walba uu helo si uu ugu guuleysto tartanka, waxaana aad u adag saadaasha laga bixin karo natiijadan oo labadan musharax ay marba marka ka dambeysa ay isku dhowaanayaan dhibcahooda.

COMMENTS