November 13, 2017 | Posted by admin

Waxaa Maanta Gibi ahaan Shacabka Soomaaliland ay u dareeri doonaan Doorashada Madaxtinimada Ee soomaaliland.

Waxaa Codeentu ay Bilaabanaysaa 7:00 Subaxnimo ee Saaka, Waxaana Dadku ay dareereen Goobaha Cod Bixinta iyadoona Lagu Wado in Caawa 6:00 Habeenimo ay Soo Xiranto Codeenta.

Waxaa La joojiyay gabi ahaan Gaadiidka Kala duwan ee Soomaaliland, Marka Laga Reebo Gaadiidka ay Isticmaalaan , Dowlada, Shirkadaha, Warbaahinta, Waxaana La fasaxay Tira kooban oo Gaadiid ah.

Waxaa La mamnuucay Maanta Wixi Ka dambeeyay in La isticmaalo Baraha Bulshada Si Looga Hor tago ayaa La yiri musuq maasuq, iyo Arima Kale oo La xariira Dacayadaha.

6:00 Fiidnimo ee Caawa ayaa La soo xirayaa Codeenta Ka dibna Waxaa Bilaaban Doonta Tirinta Codadka Si Ka dibna Loogu Dhawaaqo Masuulka Ku Guulaystay, iyo Xisbiga uu Metelaayo.

Guddiga Doorashada Soomaaliland ayaa sheegay in Codka uu Ku halaabi Karo in Loo codeeyo Sadaxda Musharraxa, laakiin Taasi Laga Hor tegay Lana Geeyay Goobaha Doorashada Guddi Kor Joogtaha ah oo La socda Dhaq dhaqaaqa Dadka iyo Codeenta

La soco Doorashada.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS