August 27, 2014 | Posted by admin

Shacabka Magaaladda Muqdisho ayaa bilaabay Talaabooyin ay uga hortagayan Ragga dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho, waxa ayna u xuub siibanayaan ka hortaga Alshabaabka ku dhex jira Magaalada Muqdisho, iyagoona Talaabo waliba la socodsiinaaya Saraakiisha Saldhigyada.

Dadaalada ay wado Maxkamada ayaa waxa ay soo dadajisay in Shacabka Magaalada Muqdisho ay fara tilmaameen Ragg looga shakisan yahay inay ka dambeeyen Dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Jilaaga weynaa Marshaale.

Ciidamada Ammaanka oo garabsanaaya Dadka shacabka ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Dhalinyaro lala xiriirinaayo Dilka Marshaale, iyadoona ay wararku sheegayaan in Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay baaritaano adag ku heyso Raggaasi looga shakisan yahay inay dileen Marshaale.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare, ayaa sheegay in dil waliba oo ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeen-daaban loo qabto dhalinyaro baaritaano iyo dabagal kadibna laga soo dhex saaro Ragga Falkaasi geysta.

Mr. Tuuryare waxa uu Tilmaamay in Kiisas badan ay u hayaan dilalka ka dhacaayay Muqdisho, waxa uuna Cadeeyay haddii ay cadaato Ruuxa dilkaasi fuliyay ay cadaalada la tiigsanayaa.

Guddoomiye Tuuryare waxa uu wacad ku maray in Magaalada Muqdisho aysan kuwada noolaan doonin Alshabaab, waxa uuna Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska qabtaan Ragga ka shaqeynaaya falalka Amni darida.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xabsiyada ay ku jiraan Boqolaal Alshabaab dilal kala duwan Fuliyay waxa uuna sheegay in badi ay qabteen dad shacab ah, taasi oo aan horay looga baran shacabka.

COMMENTS