March 7, 2014 | Posted by admin


Dareen cabsi guud ah ayaa qabsaday degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud ka dib markay al-Shabaab ku amreen in ay dhaqdhaqaaqyada kooxda u soo ururiyaan $100,000, siday shacabku u sheegeen Sabahi.

Dadkii deegaanka ayaa ka cararaya Ceel Dheer ka dib markay al-Shabaab ku amartay in ay soo ururiyaan $100,000 oo lagu taageero ficillada kooxda. Kor, nin Soomaali ah oo xoolo dhaqato ah oo biyo u dhuraya geeliisa isaga oo jooga Dhoobley bishii August 2011-kii. [Phil Moore/AFP]
Dadkii deegaanka ayaa ka cararaya Ceel Dheer ka dib markay al-Shabaab ku amartay in ay soo ururiyaan $100,000 oo lagu taageero ficillada kooxda. Kor, nin Soomaali ah oo xoolo dhaqato ah oo biyo u dhuraya geeliisa isaga oo jooga Dhoobley bishii August 2011-kii. [Phil Moore/AFP]
Qodobbo la xiriira
Duqaydii ay al-Shabaab ka qafaalatay Ceel Buur oo meesha ay ku sugan yihiin aan la garanaynin Al-Shabaab oo lacag xoog kaga qaadaya Soomaalida iyaga oo ku andacoonaya in ay tahay zako Shacabka Ceel Buuur oo ka argagaxay dilka naxariis darada ah ee al-Shabaab ay u gaysatay oday dhaqameed
Al-Shabaab ayaa amarka ku soo saartay 10-kii February shir dadweyne oo ay kooxdu shacabka iyo odayaasha ugu gooddisay in ay bixiyaan “madax furasho sidii in ay yihiin lahaysteyaal”, ayuu yidhi Wakiilka Degmada Ceel Dheer Xuseen Maxamed Cabdi.

“Al-Shabaab ayaa ku tidhi shacabka: ‘Waa inaad lacag iska soo ururisaan si aad u bixisaan $100,000 aadna ka qeyb qaadataan dagaallada aan ku jirno haddii aad rabtaan in aad nabad ku noolaataan,'” ayuu u sheegay Sabahi.

Kooxdu waxay siiyeen shacabka, oo intooda badan ah xoolo dhaqato, muddo ku eg 28-ka February si ay u soo ururiyaan lacagta. Markii ay caddaatay in ay dadku awoodi waayeen in ay bixiyaan lacagta oo ay ka cararayaan aagga, ayay al-Shabaab bilowday in ay baacsato oo ka dhacdo xoolohooda, Cabdi ayaa u sheegay Sabahi.

“Dadka waxaa dantu ku khasabtay in ay cararaan markay al-Shabaab ogaatay in [odayaashii] laga doonayay inay soo ururiyaan lacagta [ay ku fashimeen],” ayuu yidhi. “Al-Shabaab waxay hadda qaadatay baabuur waxayna tagtay baadiyaha Ceel Dheer si ay uga dhacdo shacabka xoolohooda maadaama ay waxba ka heli waayeen magaalada.”

Cabdi, oo ku sugnaa degmada Dhuusamareeb, oo 175 kiiloomitir galbeedka kaga beegan Ceel Dheer, tan iyo markay al-Shabaab la wareegtay maamulka aagga 2010-kii, ayaa ku qanciyay shacabka Ceel Dher in ay xukuumaddu ka shaqaynayso qorshe ay uga xoraynayso xagjiriinta.

February 11-keedii, ciidamada Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Ahlu Sunna wal Jamaaca ayaa soo gaadhay degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud si ay ugu diyaar garoobaan hawgallada lagu xoreeynay meelaha ay al-Shabaab haystaan, oo ay ku jiraan degmooyinka Ceel Dher, Galhareeri iyo Ceel Buur.

Shacabkii oo baxsad ah
Canab Xasan, oo deggan Ceel Dheer ahna hooyo 39-jir ah oo leh toddobo carruur ah, ayaa xaqiijisay in al-Shabaab ay ku amartay in ay soo ururiyaan $100,000.

“Ma doonayo inaan wax intaas ka badan kuu sheego waayo waxaan u baqayaa naftayda,” ayay tidhi. “Kuwii awooday way ka carareen magaalada. Dadka kaliya ee hadda hadhay waa dumar iyo carruur cabsi ku nool. Odayaasheenii iyo raggeenii waxay baadiyaha kaga dhuumanayaan dhibaatada al-Shabaab.”

Waxay ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya in ay gacan ka gaysato sidii looga xorayn lahaa xukunka ciqaabta ah ee al-Shabaab.

Maxamuud Faarax, oo ah oday dhaqameed 51-jir ah oo ka soo jeeda Ceel Dheer, ayaa u sheegay Sabahi inuu degmada ka so cararay 11-kii February, maalin ka dib markii ay al-Shabaab soo saartay amarkeeda.

“Waxaa mahad oo dhan iska leh Allahii iga soo badbaadiyay dhibaatada al-Shabaab,” ayuu yidhi. “Waxay nagu qasbeen in aan lacag ka soo ururinno shacab aan waxba haysan. Waxaan ku jiray odayaashii Ceel Dheer ee ay ku qasbeen in ay lacagta so ururiyaan. Waxaan hadda maqlay in odayaashii kale ee saaxiibadey ahaa ay magaalada ka carareen oo ku dhuumanayaan meelaha baadiyaha ah.”

Faarax ayaa labo maalmood lugaynayay isaga oo dhuumasho ku jira illaa uu la kulmay baabuur qof jiran u wada magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna halkaas u raacay baabuurkii.

Cabdiqaasim Cabdinaasir, oo ah 35-jir, ayaa sheegay inuu isaguba jeclaan lahaa inuu ka tago Ceel Dheer, laakiin taasi ma ahan wax uu samayn karo xilligan waayo wuxuu xannaaneeyaa aabihiis oo xanuunsanaya.

“Dad aad u yar ayaa hadda ku hadhay, magaalada inteeda badan waa la cidleeyay, laakiin aniga duruufta ayaa igu qasabtay inaan halkan joogo waayo waxaan daryeelaa aabahay oo gaboobay oo xanuunsan intaan cararana kama tagi karo,” ayuu Cabdinaasir u sheegay Sabahi.

“Ma hayno lacagta ay al-Shabaab doonayaan, laakiin illaa inta laga helayo waa inaan iska dhignaa sidii inaan raali ka nahay [iyaga], haddii kale waxaa na qabsanaya dhibaato weyn,” ayuu yidhi. “Hase ahaatee, uma malaynayo inaan awood u yeelananayno inaan bixinno $100,000 xittaa haddii al-Shabaab ay tidhaahdo waxaad ku soo ururisaan dhowr bilood.”

Kani ma ahan markii ugu horraysay ee ay al-Shabaab siyaabo aan fiicnayn lacag ku urursadaan. Kooxda ayaa horay u samayay fal-dambiyeedyo ay ku jiraan xoolo la dhaco, odayaal la afduubto, dhuxul laga ganacsado, isticmaalka lacagta zakada oo loo ururiyay masaakiinta, iyo xittaa iibinta hilibka waraabaha, si ay lacag ugu helaan dhaqdhaqaaqyadooda.

COMMENTS