February 5, 2013 | Posted by admin

Maamulka deegaanka Gamboole ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Al-Shabaab inay gowracdat mid ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ee deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Gamboole Cabdiraxmaan Nuunow ayaa Duhur.Com u sheegay in ay Al-Shabaab maalin ka hor u tagtay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka Gamboole, iyadoo waydiisatay xoolo ay ku sheegtay sako, balse ay xoolo-dhaqatadu ka diidday, arrintaas oo sababtay gacan-ka-hadal.

Nuunow ayaa xusay in markaas kaddib ay maleeshiyadu qabsatay nin ka mid ahaa dadka xoolo-dhaqatada ah, kaas oo ay qoorta uga soo jartay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

COMMENTS