March 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Shabakad loogu talagalay in dadka lagu dhaco oo ay niman burcad ah oo Soomaali u badani ka bilaabeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa saamayn ku yeelatay meelo badan oo ka mida somaaliya.

Xubnaha abuuray Shabakadda dadka la doonayo in lagu dhaco, ayaa dad badan oo kala duwan oo ku dhaqan magaalooyinka Somaaliya kala soo xiriiray Taleefannadooda gacanta, kuwaasoo inta badan u soo baaqa dad ay lambarrada Taleefanadooda ku bakhtiyaa-nasiibiyeen, iyaga oo qofka marka ay soo garaacaan iyagoo aan la hadal dhigaya taleefanka, si qofkaasi ugu celiyo taleefanka, Isla markaana, marka uu qofku lambarka laga soo misid-gareeyey dib ugu celiyo ay u sheegayaan in qofkan Lambarka taleefankiisu ka mid noqday boqollaal lambar oo Safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku u sameeyeen bakhtiyaa-nasiib lagu dhoofinayo, sidaa daraaddeedna uu ku guulaystay, Baasaabboor iyo Tikid u soo baxayna ay diyaar ugu yihiin safaaradaha dalalkaas ee Nairobi, balse laga rabo lacag dhan 75$ Doollar qofku hadduu Haween yahay, halka ninkana ay ka rabaan 250$ Doollarka Maraykanka ah.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub dadka Soomaalida, hase ahaatee waa arrin heer caalami ah oo ay sameeyaan niman aan wax kale qaban oo Tuugta caalamiga ah ee dunida ka tirsan, kuwaasoo E-mail-lo ama khatka Internet-ka kala xiriira dadka, isla markaana u sheega in email-ka ay farriinta ku soo dirayaan ku guulaystay Fiiso, Lacag iyo waxyaabo la mid ah, sidaa daraaddeedna, looga baahan yahay qofka e-mail-kaas lehi inuu buux-buuxiyo foom ay sameeyeen, iyaga oo lambarro taleefanno lagala xiriiro ku soo qora, ka dib markaad la xiriirto ee aad foomka buuxa u dirtana kuu sheegaya in lagaaga baahan yahay Lacag cashuur ah, kuwaasoo waddammo Afrika ah dad badan oo ku nool Lacago xad-dhaaf ah kaga lunsaday tallaabooyinka noocaas ah.

Waxaanay arrintani farsamo ahaan la qaab tahay Mashruuc dad badan oo somaali Malaayiin Doollar horay looga dhacay oo la magac-baxay Jiif-oo-Jaq, taasoo ahayd dad shabakad isku xirtay oo saldhig ka dhigtay Nairobi, Jabuuti, bosaaso, Hargeysa oo ku urursadeen Malaayiin Doollar oo dadka ay leeyihiin.

COMMENTS