March 20, 2012 | Posted by admin

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa kooxaha Islaamiyiinta Shabaab la wareegeen kadib marki ay weerar gaadma ah ku qaadeen.

Shabaab ayaa weerar xoogan kaga soo qaaday magaalada dhinaca degmada Ceelbuur, waxaana inta aysan qabsan ka hor ka dhacay dibada magaalada dagaal xoogan oo marki danbana la isla soo galay gudaha magaalada.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, sidoo kalana ma cada dhibaatada kasoo gaartay dadka rayidka ah.

Maamulka iyo dagaalyahanada Ahlu Sunna ayaa magaalada isaga baxay iyadoo xiligaanna laga maqlayo gudaha magaalada rasaas ay ridayaan Al Shabaab.

Lama yaqaano halki ay u baxeen Ahlu Sunna, waxaana dad badan ay ku noqotay arintaan filan waa in kastoo Al Shabaab ay dhowr jeer oo hore xoog ku qabsadeen Dhuusamareeb balse ay mar kale dib ula wareegi jirtay Ahlu Suna.

Waxaa haatan dadku ay ka cabsanayaan dagaal kale oo ay Ahlu Sunna soo qaado sida looga bartay.

Dhuusamareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa dhowr jeer waxa horay u qabsaday Al Shabaab kadibna waxaa dib uga qabsan jiray mar walba Ahlu Sunna Waljamaaca.

COMMENTS