March 22, 2015 | Posted by admin

Ururka Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen nin dhalinyaro ahaa oo lagu eedeeyay inuu jabsaday goob ganacsi oo ku taallo Degmada Saakoow ee Gobolk Jubadda Dhexe.

Ninkaan xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahiim Cabdi Nuur Cabdullaahi oo lagu eedeeyay inuu jabsaday goob ganacsi isagoo ka qaatay alaabo qiimahoodu gaarayo 1374000 Sh.So. oo u dhiganta 62-kun doolar sida ay sheegeen guddiga qaadayay dacwada.

Xukunka gacan goynta ah goobta ay ka dhaceysay ayaa waxaa daawanaayay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo la isugu yeeray fagaaraha Degmada Saakoow oo ay ku daawanayeen qaabka gacan goynta ay u dhaceysay.

Shabaab ayaa maalmahan kordhiyay xukunada kala duwan ee ay ku ridayaan dadka ay ku eedeeyeen kiisaska kala duwan, xilli maalin ka hor fagaare ku yaalo Galhareeri lagu toogtay nin ay jaajuus ku eedeeyeen Shabaabka.

COMMENTS