Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa lala eegtay labo gaari oo rakaab siday oo marayay Waddada Warshadaha.
Miino ay waddada ku aaseen maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu qarxiyay caasi iyo gaari Diskow ah oo dad rayid ah siday kuwaas oo marayay agagaarka Warshadda Kabka,halkaas oo dhimasho iyo dhaawac fara badani ka dhasheen.
Goobjoogayaal ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ugu yaraan 8 qof oo gaariga la socday, ay ku nafwaayeen qaraxaasi arxan darrada ah ee Shabaabku la eegteen, gaariga rakaabka siday.
Engineer-kii ugu sarreeyay Shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta ee Telecom, laguna magacaabo Eng> Idriis ayaa ka mid ah dadka qaraxa ku dhintay.
Hooyo iyo canuggeedi oo hal sano jir ahaa, ayaa iyaguna ku dhintay qaraxaasi Shabaabku la eegteen gawaraadida rakaabka .
Weerarkani waxa uu qeyb ka yahay qaraxyada Maleeshiyada Shabaab ee arxanlaawayaasha ahi, ku wax yeelleynayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

All Posts










