March 26, 2012 | Posted by admin

Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in malleeshiyaadka Shabaab Al-Qaacidda ay xalay deegaanno hoos taga ay ku dileen mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo lagu magacaabo Cismaan Xaashi Maxamed.

Goob jooggayaal ayaa saxaafada u sheegay in maleeshiyaadku ay isugu yeereen odayaasha tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Ceelbuur, kuwaas oo ay ka dalbadeen in ay taageero nafeed iyo dhaqaale siiyaan Shabaab si ay ula dagaalamaan ciidamada ASWJ oo ku soo jeedda halkaasi.

Marxuum Cismaan Xaashi Maxamed iyo Odayasha ayaa ku gacan seyray dalabka Shabaab ee ah in ay dhaqaale ku bixiyaan dagaalada ay ku jiraan,  taas ayaa dhalisay in ay malleeshiyaadku toogaan Cismaan kaddibna ay nolol ku wataan odayaashii kale oo aan wali la ogeyn halka ay raq iyo ruuxba geeyeen.

Dadka deegaanka ayaa ka welwelsan xaaladda ay ku sugan yihiin Odayaashan iyo talaabooyinka kale ee ay qaadi karaan kooxdan, maadaama ay gacantooda ka sii baxeydo goobo badan oo ka mid ah gobolka Galguduud.

Dhinaca kale malleeshiyaadka Al-Qaacidda Soomaaliya ayaa isku urursanaya deegaanka Gal-Hareeri ee gobolka Galguduud, halkaas oo ay isugu geeyeen malleeshiyaadkii ka cararay Ceelbuur iyo carruur ay si qasab ah uga soo qafaalleen deegaanka, kuwaas oo ay doonayaan in ay u adeegsadaan in ay ku difaacaan horjooggayaashooda baxsadka ah ee ka cabsanaya in caddaaladda la horkeeno.

COMMENTS