December 8, 2012 | Posted by admin

Malleeshiyada kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa gudaha magaalada Ceelbuur soo dhigay Meydka Allaha u naxariistee C/llaahi Maxamuud Faarax oo ka mid ahaa Nabad doonada ugu caansan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Ceelbuur aya warbaahinta  u xaqiijiyay gowraca nabaddoon C/llaahi Maxamuud Faarax, kadib markii sida ay sheegeen Malleeshiyaadka Shabaab ay Laba habeen ka hor ka kaxeysteen hooygiisa oo ku yaala Magaalada Ceelbuur,  saakana meydka nabadoonka oo madaxa ka go’an lagu arkay bartamaha magaalada.

Allaha u naxariistee Nabaddoonka ayaa la sheegay in uu ka dhega adeygay amar ay malleeshiyaadka Shabaab siiyeen,  kaas oo ahaa in isaga iyo caruurtiisaba ay bixiyaan dhaqaalo ay malleeshiyaadka Shabaab ku sii wadaan dagaallada fidnada ah oo ay ka wadaan gudaha dalkeenna Soomaaliya.

Arrintan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen ummadda Soomaaliyeed,  waxeyna tani qeyb ka tahay xadgudubyada ka baxsan Islaanimada oo ay kula lacaan ummadda Soomaliyeed, mana aha markii ugu horreeysay ee malleeshiyaadkaasi ay dad ku gowracaan magaalada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha fara ku tiriska ah oo ay wali dalka kaga harsanyihiin malleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab.

COMMENTS