January 25, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii bam gacmeedyo ku weeraray Masjid ku yaala magaalada Muqdisho xili lagu guda jiray dukashada Salaada Cishaha ayadoo bambaanooyinkaasina ay dhaliyeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masjidka ay Maleeshiyadan ku weerareen bambo gacmeedyada ayaa ku yaala degmada Dharkeenleey gaar ahaan xaafada abagedo waxaana weerarka geystay sida ay dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen dhalinyaro bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday inkabadan Tobanna waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantoodba ka mid ahaa Jameecadii masjidka ku tukaneysay Salaada Cishaha waxaana dadka dhaawacmay ku jira kuwo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah halka qaarkoodna ay fudud yihiin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dad deegaanka ah oo bambaanooyinka qaraxooda maqlay ay usoo gurmadeen jameecadii masjidka iyo ciidammada Ammaanka kuwaasi oo dadka dhaawacmay geeyey isbitaallada ayadoo ay Ciidammadana markaa kadib xaafada baaritaanno ka bilaabeen.

COMMENTS