February 25, 2013 | Posted by admin

Kooxda al-Shabaab ayaa shalay xabsiga u taxaabtay macallimiintii dugsiyada Qur’aanka ee deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, sida aan wararka ku helayno.

Macallimiinta oo tiradooda lagu sheegay 12 ayaa la xiray kaddib markii ay ka qeyb-gali waayeen bandhigga kitaab ay qortay al-Shabaab oo lagu soo ururiyay aayadaha iyo axaadiista ka hadlaya Jihaadka.

Wararka waxay sheegayaan in odayaasha dhaqanka ee deegaanka ay ku guul-dareysteen isku day ay ku doonayeen inay ku qanciyaan kooxda al-Shabaab sii-deynta macallimiinta.

Ardayda dugsiyada deegaanka Halgan ayaa la sheegayaa inaanay aadin dugsiyada tan iyo shalay, lamana garanayo muddada ay dugsi la’aan sii ahaan doonaan.

Al-Shabaab ayaa ku khasbeysa macalimiinta inay carruurta dugsiyada u akhriyaan kitaabka ka hadlaya mawduuca Jihaadka oo keliya.

Macallimiiinta ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore waxay dhibaatooyin isugu jira xarig iyo dil kala kulmeen maleeshiyada al-Shabaab.

Bishii July ee sanadkii 2012 ayaa meydka mid ka mid ah macallimiinta dugsi Qur’aanka laga helay magaalada Beledweyne.

Macallinka oo lagu magacaabi jiray Macallin Aadan ayaa afar nin oo wejiyada soo qarsaday waxay ka kaxeysteen gurigiisa xill habeen ah, kuwaasoo marka ay dileen kaddib meydkiisa dhigay mid ka mid ah waddooyinka magaalada.

Saraakiisha ciidanka gobolka Hiiraan ayaa dilka macallinka ku tilmaamay fal argagaxisannimo.

COMMENTS