February 25, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay bandow aan horay loo shaacin lagu soo rogay xaafadaha kala duwan oo ay ka kooban tahay degmadaasi, kadib markii Xarakada Al Shabaab ciidamo ka tirsan islamarkaana watay codbaahiyaal ay dadka ku wargaliyeen in laga 7 fiidnimo waxii ka dambeeyay ay dadka ku xaroodaan guryahooda, iyagoo intaasi raaciyay waxii xiligaasi ka dambeeya qofkii la arko ay u aqoonsan doonaan dad u adeega dowladda KMG.

Bandowgaasi ayaa waxa uu samaayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka, waxaana dadka ay walaac ka muujiyay arintaasi, iyagoo sheegay in mar waliba lagu soo rogo degmada Bandow taasi oo ay walaac ka muujiyeen ganacsatada waa weyn eek u dhaqan degmadaasi kuwaasi oo inta badan ganacsigooda uu shaqeeyo xiliyada habeenkii.

Dadka qaar ee ku dhaqan degmada Afgooye oo ay xiriiro kala duwan la sameysay Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in bandowgaani uu yimid kadib markii shalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka gaysteen duleedka degmadaasi taasi oo waxii xiligaasi ka dambeysay lagu arkayey gudaha degmada ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab.

COMMENTS