Maleeshiyada Shabaab ayaa afduubtay mid ka mid ah Howlwadeenadii Caafimaadka ee Isbitaalka dayniile ee magaalada Muqdisho.
Luul Cumar Calasoow oo ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka ee ka howl gala Isbitaalka Dayniile ayaa shalay galabtii koox hubeysan oo ka tirsan Shabaab ka afduubteen duleedka degmada Dayniile.
Maleeshiyaadka ayaa Luul kala degay gaari ay ku hoyaadeysay oo marayay agagaarka xaruntii uu maxamed Qanyare ku lahaa duleedka degmada Dayniile xilli ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka.
Lama oga halka ay la aadeen Shabaab Haweeneydaasi, waxaana warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in ay la aadeen goob ku taalla duleedka magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Dayniile ayaa lagu daweeyaa inta badan dhaawaca maleeshiyaadka Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya, waxayna marar badan ka afduubteen shaqaale caadfimaad oo qaarkod la xaqiijiyay in ay si qasab ah ugu daweeyaan dhaawacyada soo gaara Ajaanibta ka barbar dagaalameysa dhallinyarada ay qaldaan Shabaabku.

All Posts











