March 30, 2015 | Posted by admin

3F637A3A-2B67-4EE2-9E27-79C6BC98C93F_w268_r1_cx0_cy5_cw89
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo safar ku yimid magaaladan Washington ayaa VOA ay ka wareysatay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo aragtidiisa maamulka Khaatumo ee ay Somaliland ku dagaallameen gobollada Sool iyo Sanaag.

Saylici ayaa Khaatumo ku tilmaamay maamul dibad-wareeg ah oo aan saameyn ku lahayn gudaha Somaliland, isagoo dhinaca kale xusay in Somaliland ay dadka dagan gobolladaasi kala hadlayso wixii ay tabanayaan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo, halkaasi oo qaar ka tirsan dadka gobolku ay mucaaradad kala horyimaadeen Somaliland.

COMMENTS